Wasaaradda Gaashaandhiga XFS Ayaa Muqdisho Ku Qabatay Tababar Ku Saabsanaa Xoojinta Dadaalada Ka Hortagga Askareynta Caruurta

 

30-11-2020

 

Tababarkan waxaa daah-furay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xildhibaan Maxamed Cali Xagaa waxaana ka qeybgalayay Saraakiil ka Socotay Taliska Ciidanka XDS iyo Xubno ka Socday Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, sidoo kale waxaa casharo ka bixinayay Dr.Shally oo katirsan Agaasinka Sare ee Machadka Dalarea, iyo Jim Hagirtt oo katirsan Safaaradda Uk Ee Soomaaliya, waxaa kaloo Tababarayaasha kamid ahaa Muse Gaabow oo ka tirsan Regional Training Management Africa, tababarkan ayaa ku qotomay dardargalinta iyo fulinta Heshiisyada Caalamiga ah ee ka hortagga askareynta Caruurta .

Waxaa kaloo intii uu tababarka socday sidii heshiisyo wada shaqayn iyo iskaashi ay u kala saxiixan lahaayeen Hay’adda DALLAIRE Institute Children Peace Security iyo Wasaaradda Gaashaandhigga XFS.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa wada dadaalada wacyi-galinta ah ee ka hortagga askareynta Caruurta waxaana tababaro ka la xiriira arintaas Shaqaalaha Wasaaradda Gaashaandhigga gaar ahan waaxda ka hortagga Askareynta Caruurta ka sameeyeen qaar kamid ah gobalada dalka.

– Radio Mogadiscio

Leave a Reply