Guddoomiyaha Gobolka Hawd Oo Soo Kormeeray Goobaha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

 

30-11-2020

 

Balli Gubadle (SOLNA) – Guddoomiyaha Gobolka Hawd Axmed Maxamed Cige, ayaa maanta soo kormeeray goobaha ay ka socoto diiwaangelinta kaadhka codbixinta ee Degmada Balli-gubadle.

Sida uu ku soo waramayo Wariye Axmed Maxamed Cawaale, oo Wakaaladda Wararka ee Jamhuuriyadda Somaliland ee SOLNA uga soo warama Gobolka Hawd, wuxuuna guddoomiyuhu kormeerkiisa ugu kuurgalayey sida ay diiwaangelintu uga socoto gaabahaas, isaga oo warbixino ka dhageystay hawl-wadeenada deiiwaangelinta ee goobahaasi.

Waxayna hawl-wadeenadu guddoomiyaha u sheegeen in ay goobaha qaar ka jirto cilad dhanka farsamada ah, iyada oo ay hawl-wadeenada farsamada ee hawshaas u xilsaarnaana ku hawlan yihiin sidii ay u xalin lahaayeen ciladahaas.

Dadweynaha ku nool Degmada Balli-gubadle, ayaa si weyn ugu soo baxay diiwaangelinta kaadhka codbixiyeyaasha oo maalintii labaad ka socota Gobolka Hawd iyo qaar ka mid ah degmooyinka dalka.

Leave a Reply