Ciidamo Cusub Oo Kusoo Biiray Halganka Loogu Jiro Raadinta Xuquuqda Gobolka Hiiraan

 

30-11-2020

 

Beledweyne (WBW: The GBM) – Waxaa lagu soo waramayaa in ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Beel Weynta Gaaljecel ay kusoo darsoomeen Dhaq-dhaqaaqa Ciidan ee uu hogaaminayo Jenaraal Abuukar Warsame Xuud oo isaga iyo ciidamada uu horay watayba ay u tafaxeyteen Dib U-helida Xuquuqda Ka Maqan Gobolka Hiiraan ee kamid ahaa 8-dii Gobol ee Soomaaliya marki ay madaxbanaanaatay 1-dii Luuliyo, 1960-kii.

Warka wuxuu ku darayaa in ciidamadan cusub iyo kuwa ay la midoobeenba ay u diyaar garoobeen iska caabinta Ciidamada Haramcad ay Dowladda Soomaaliya u diyaarsatay iney xoog ku qabsadaan Gobolka Hiiraan isla markaana ay ka hirgeliso waxa loogu yeero ‘Hir+Shabeelle’ oo aan cadaaladba ku saleysneyn maadaama uu Gobolka Shabeelaha Dhexe uu kamid ahaa Gobolkii Banaadir ee ka koobmo Shabeellaha Hoose, Muqdisho iyo Shabeellaha Dhexe halka Gobolka Hiiraan uu ahaa gobolka keliya ee uusan kala qeybin Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad.

“Waxaan meelaha ka maqleynay Dowlada Ciidamada Haramcad ayay idiin soo wadata inaga Haramcad xabo inagama qaadi karto anaga ayaana ka Haramcad ah gobolkaan ha ogaadaan dowladda” ayuu yiri Cilmi Muuse Cismaan oo kamid ah Sarakiisha Ciidamada Janaraal Abuukar Warsame Xuud.

Ugu dambeystii, Sarkaal Cabdi Aaloow oo kamid ah saraakiisha horkaceysay ciidamadan cusub ee Beel Weynta Gaaljecel, kuna biiray ciidamada uu hogaaminayo Janaraal Abuukar Warsame Xuud, aa waxuu sheegay in ay iska diideen in la kala faquuqo Jiritaanka Reer Hiiraan oo ay ka shaqeyneyso Dowladda Dhexe iyo Maamulka Hirshabeelle ayna dagaal ka xigaan.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh isla markaana aad u kulul.

Leave a Reply