Yuusuf Dabageed Oo Sheegay In Caasimada Hirshabeelle Ay Tahay Baladweyne

 

29-11-2020

 

Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay in Caasimadda Hirshabeelle ay tahay magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan isla mar ahaantana lagu qabanayo Xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha Hirshabeelle.

Yuusuf Dabageed “Anigu dadkeyga waxay Hirshabeelle ku leyihiin intii shalay Cali Guudlaawe ku lahayeen dadkiisa markuu Hirshabeelle ka ahaa Madaxweyne Kuxigeenka sideyda oo kale sida Caasimadda iyo wasiiro dhowr ah uu kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha aniga ayaana balan qaadaya intii Cali Guudlaawe uu haystay markuu madaxweyne ku xigeenka ahaa inay helaan dadkeyga hadii intaas dadkeyga waayaan waan is casilayaa” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle ayaa sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay inuu la fariisto cid walba oo tabasho ka qabta maamulka Hirshabeelle.

Hadalka Yuusuf Dabageed ayaa imaanaya xili shalay Baledweyne ay ka dhaceen banaanbaxyo xoogan oo looga soo horjeeday Hirshabeelle.

Xigasho Hiiraan Online

 

Leave a Reply