Ergeyga Gaarka Ah Ee QM U Fadhiya Soomaaliya Oo Ka Hadley Arrimaha Doorashooyinka

 

29-11-2020

 

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda Soomaalia iyo doorashooyinka, kadib wareysi uu siiyey Telefishinka Al-Jazeera.

James Swan ayaa wareysigan ku sheegay inay muhiim tahay doorashada soo socota lagu qabto waqtigii oo la asteeyey oo ah dhammaadka sanadkan iyo kan xiga ee 2021.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la dhaqan-geliyo heshiiskii ay Muqdisho ku gaareen Maxda Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul Goboleedyada ee ku aadan doorashooyinka.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo sii hadlayey ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha uu yahay in dhammaadka sanadkan Diyaarinta Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo tilmaamay inay taasi tahay howsha ugu culus oo haddii laga gudbo doorashada madaxweynaha fududeyneyso.

Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyey in si wadajir looga shaqeeyo ilaalinta nabad-galyada iyo in laga wada-shaqeeya doorashada oo afartii sanaba mar la qabto. – Daafeet News

Leave a Reply