Jug Is xigxigtay Oo Caawa Gilgishay Caasimadda Eritrea Ee Asmara

 

28-11-2020

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa sheegaya in caawa magaaladaasi laga maqlay illaa afar jug oo waaweyn.

Xoogaga TPLF ee Tigreyga Itoobiya ayaa la soo sheegaya in gantaalo ku weerareen magaaladaasi, xilli ay dadka si caadi ah isku dhex socdeen.

Dadka deegaanka ayaa bilaabay inay guryahooda ku xaroodaan. Qaarkood waxay barraha bulshada ku soo qoreen in inta badan ay gantalahaasi ku soo dhaceen xaafadaha Mendefera iyo Massawa.

Weerarkan ayaa u muuqdo mid daba socda weerar kale oo Jimcihii ay Tigreyga ku ekeeyeen deegaano hoos-tagga Magaalada Asmara.

Duqayntan ugu dambeysay ee caawa ka dhacday Magaalada Asmara ayaan la soo sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay, sidoo kale dowladda dalkaasi ayaan weli ka hadlin.

Bartamihii bishan ayay ahayd, markii Tigreygu ay gantaalo ku garaaceen Caasimadda Asmara. – Universal TV Somali

 

Leave a Reply