Dibadbax Looga Soo Horjeeday Hirshabelle Oo Baledweyne Ka Dhacay

 

28-11-2020

 

Dad kasoo horjeeday Dowlad Gobaledka Hirshabelle ayaa subax nimadii hore ee maanta isugu soo baxay Bartamaha Magaalada Baledweyn, waxana ay dhagaxaan iyo taayero ku gooyeen wadada laamiga ah ee marta bartamaha magaalada taas oo saameyn ku yeelatay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Qar kamid ah ka qeyb galayaasha banaanbaxa ka dhacay Baledweyne oo la hadlay Hiiraan Weyn (HW) ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan maamulka Hirshabelle oo ay shaaciyen inay ku dulman yihiin awood qeybsiga maamulka isla markaana aan la xalin tabashadooda.

“Waxa isugu soo baxnay inaan muujina tabashadena ah waxa ka maqan Bulshada Reer Hiiraan oo waxa kasoo horjeedna Dowlad Gobaledka Hirshabelle waxaa rabnaa in nala siiyo waxa naga maqan, yeeli meyno in awood naloo sheegto waxii ka dhaca magaalada waxa dusha saaran doona kuwa maamulka ah, sidasi waxa yiri qaar kamid ah dadkii dhigayay banaan baxa”.

Isu soo baxa maanta ka dhacay Magaalada Baledweyne ayaa waxa uu kusoo aadaya iyadoo duleedka magaalada dhawaan lagaga dhawaaqay Jabhad la magac baxday Xaq U Dirirka Hiiraan, taas oo ay taageereen Odayaasha Dhaqanka, waxaase magaalada Baledweyn kusoo wajahan wafdi uu hogaaminayo Madaxa Hirshabelle in kasto u mudo dhowr jeer ah dib u dhacay safarkiisa Baledwyne.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply