Aas Wadareed Loo Sameeyey Dadkii Ku Geeriyooday Qaraxii Muqdisho

 

28-11-2020

 

Waxaa maanta Qabuuro ku yaalla Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho Aas wadareed loogu sameeyay 8 dhalinyaro ah oo xalay ku geeriyooday Qarax xoogan oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qarax oo ahaa mid Is-miidaamin ah ayaa waxaa fuliyay qof da’ ah oo watay khamiis iskuna soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, isla markaana uu gudaha u galay Maqaayad Gelato Divino oo ah goob lagu iibiyo Mac-macaan oo dadka aad u fadhiistaan,

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo jugtiisa inta badan laga maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana waxyeelada inta badan ay soo gaartay dad u badan dhalinyaro oo ku Caweynayay Maqaaxida Gelato Divino.

8 dhalinyrao ah oo siweyn loo yaqaanay ayaa ku naf-waayay qaraxas, halka dad ku dhow 8 qof kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla caasimadda dalka, si xaaladooda caafimaad loogu dabiibo.

Boqolaal qof oo isugu jiray Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galay Aaska loo sameeyay dhalinyaradii xalay ku geeriyootay qaraxaas, iyagoona tacsi diray.

Xigasho: Shaaciye News

Leave a Reply