27-11-2020
Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa si kulul u cambaareeyay hadalkii ka soo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa mid colaad hurin ah, ayna dhab u qaadanayaan hanjabaada Guddoomiyaha ay tahay farriin ka timid Madaxweyne Farmaajo, toosna ugu socota Xubnaha Musharaxiinta.
Sidoo kale goluhu ayaa sheegay inay u cadaatay in Hoggaanka Dowladda uu adeegsanayo Tabihii Al-Shabaab ee Xalaaleysiga Dhiigga Shacabka, iyadoo diin la adeegsanayo.
Halkan hoose ka akhriso:
Xigasho: Jowhar News