Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka JSL Iyo Hay’adda IOM Ayaa Dhalinyaro Hore U Tahriibay Oo Dalka Ku Soo Noqday Gudoonsiiyay Deeq Lacageed

 

27/11/2020

 

Hargeysa (SOLNA) – Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hay’adda IOM ayaa 19 kamida dad dhalinyaro hore u tahriibay oo dalka ku soo noqday gudoonsiiyay deeq lacageed.

Munaasibada dhalinyaradaas lagu gudoonsiinaayay lacagtan maal-gelinta ah oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa, iyadoo dhalinyaradaasi lacagahaas ku samaysan doonaan ganacsiyo kala duwan oo ay qorshihiisa hore ugu soo gudbiyeen Hay’adda Barakacayaasha iyo Hay’adda IOM.

Liibaan Maxamuud Ciise oo kamida Maasuuliyiinta Hay’adda IOM xafiiskeeda Hargeysa, munaasibadaa ka hadalay, ayaa sheegay in dhalinyaradaas ay dhibaatooyin kala duwani ka soo gaadhay tahriibkii ay hore u galeen, waxaanuu intaas ku daray in mashruucaas maal-gelinta dhalinyaradu uu dalka ka socday saddexdii sanno ee u dambeeyay, waxaanuu intaas ku daray in u jeedadu tahay in dalka dib loogu soo celiyo dhalinyaradii dalka siyaabaha kala duwan uga baxay, iyadoo loo samaynaayo maal-gelin laga caawinaayo inay samaystaan ganacsi iyaga u gaar ah.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed Xinif ayaa sheegay, in hay’adda uu masuulka ka yahay soo dhawaynayso in la fuliyay balanqaadkii ay dhalinyaradaas oo tiradoodu dhan tahay sagaal iyo taban qof, oo Hay’adda Barakacayaasha iyo Hay’adda IOM ay u ballan qaadeen in loo samayn doono maal-gelin, waxaanuu dhalinyaradaas u soo jeediyay inay dhaqaalahaas maal-gelinta ah si fiican uga faa’iidaystaan, kuna dadaalaan sidii ganacsigaas loo maal-geliyay ay u horumarin lahaayeen.

Ugu dambayn qaar ka mida dhalinyaradaas ayaa Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hay’adda IOM uga mahadceliyay maal-gelintaas ay u sameeyeen.

Leave a Reply