26-11-2020
Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo gaba-gabeeyey Shirkii Musharraxiinta Mucaaradka oo qaatay muddo lix cisho ah, kaas oo looga hadlay doorashooyinka.
War-murtiyeed ka kooban 18 qodob ayaa laga soo saaray gaba-gabada shirkan oo intiisa badan looga hadlay doorashada 2020/2021-ka iyo xaaladda guud ee dalka.
Sidoo kale go’aannada shirka ka soo baxay ayaa loo kala qaaday 1-go’aanka maamulka doorashooyinka, 2-go’aanka ammaanka doorashooyinka & 3-go’aanno guud.
Halkan hoose ka aqriso;
Xigasho: Radio Shabelle