26-11-2020
Sadiq Al-Mahdi oo haa siyaasi caan ah iyo Wadaad Dhanka Diinta oo Sudan iyo dunidaba magac ku lahaa ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka Imaaraadka saakay oo Khamiis ah .
Wuxuu ahaa ra’isulwasaarahii ugu danbeeyay ee Sudan kaas oo si xor ah loo doorto waxaana afganbiyay ciidanka oo talada la wareegay 1989 markaas oo Al-Bashiir majaraha Sudan qabtay.
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in uu u dhintay xanuunka Coronavirus.
Sadiq Al-Mahdi oo ahaa 84 jir, wuxuu ra’isulwasaare ka soo noqday Sudan labo goor oo kala ahaa 1966 ilaa 1967 sidoo kale 1986 ilaa 1989. – Radio Muqdisho