Gudoomiyaha Murashixiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed Ayaa Gaaray Magaalada Baydhabo, Kana Bilaabay Kulamo

 

26-11-2020

 

Baydhabo (WBW: The GBM) – Magaaalada Baydhabo oo ah Xaruntii Gobolkii Jubada Sare (Alto Giuba: Upper Juba), gaar ahaan markii ay abuurantay Jamhuuriyadda Soomaaliya taariikhda marki ay heyd 1-dii Luuliyo, gugii 1960-kii, aa waxaa laga soo sheegayaa in maanta ay gaartay ergo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Murashixiinta Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed.

Warka wuxuu ku darayaa in gudoomiyaha iyo ergada la socdaashayba, lagu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo; waxaana soo dhaweeyay xubno uu kamid ahaa Danjirehii hore ee Soomaaliya ugu magacownaa Midowga Yurub (EU) isla markaana ahaa Danjiraha Soomaaliya ee Dalalka Beljem, Luksamburug iyo Nederlaand (BENELUX) fadhigiisana ahaa Magaalo Madaxda Beljem (Belgium) ee Barusales(Brussels) Dr. Cali Siciid Fiqi.

Warka wuxuu kusii darayaa in Guddoomiyaha Golaha Dhexe Xisbiga Himilo Qaran, Xildhibaan Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe), Senatoor Ilyaas Cali Xasan oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga Himilo Qaran, Xildhibaanno Heer Deegaan iyo Heer Federaal ahba ay si weyn usoo dhaweeyeen Gudoomiyaha Murashixiinta Xilka Madaxweyne Jamhuuriyadda Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed iyo ergada la socdaashayba.

Ugu dambeysti, waxaa ay ergada uu hogaaminayay Gudoomiyaha Murashixiinta Xilka Madaxweyne Jamhuuriyadda Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed, ay la shireen Hogaamiyaaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicassis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo masuuliyiin kale oo katirsan Dowlad Goboleedka uu hogaamiyo Cabdicassis Xasan Maxamed (Lafta Green).

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markastaa lagala socon karaa wararka xiisaha leh.

Leave a Reply