Shirka Midowga Musharixiinta Oo La Shaaciyay Waqtiga Lasoo Gaba-Gabeynayo

 

25-11-2020

 

Shirka Midowga Murashixiinta ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisii Shanaad, waxana shirka oo ah mid xasaasi ah kasoo baxaya go’aammo hor dhac ah.

Musharixiinta oo warbaahinta la hadlay ayaa eed kulul u jeediyay dowladda iminka talada haysa, waxaana ay sheegeen in dowladdu ay tahay mid fashil ah oo ku guul darraysatay dhinacyo kala duwan oo la xariira siyaasadda guud ee dalka.

Afhayeenka Golaha Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in shirka maanta diiradda lagu saaray geeddi socodka siyaasadeed ee dalka, waxaana uu sheegay in ay Mas’uuliyiinta ku shiray Muqdisho ay Su’aalo iska weydiiyeen halka uu dalku u socdo iyo halka loo baahn yahay in la hiigsado, isagoo intaas ku daray in Madaxweyne Farmaajo uu ku fashilamay wax ka qabashada arrimo ay kamid yihiin Amniga, Siyaasadda Dalka, Federaalka iyo Dhaqaalaha.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in dowladdu ay ku guul darraysatay Qabashada Doorasho Qof iyo Cod ah oo dalka ka dhacda iyo arrimaha dastuurka oo aan laga shaqayn.

Sidoo kale Afheyeenka ayaa shaaciyay goorta lasoo gaba gabeynayo Shirka Muqdisho ka socda ee maalmaha badan qaatay, waxaana uu ka dhawaajiyay Afhayeenka u hadlay Midowga Murashixiinta in maalinimada berri ah lasoo gaba-gabeyn doono shirka, ayna soo saari doonaan War-murtiyeed dhammeystiran.

Musharixiinta ku shiraya Muqdisho ee u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirkoodu waxaa uu qaatay muddo shan maalmood ah, iyadoo ay ka arrinsanayaan dooarashada dalka ka dhici doonta dhammaadka sanadkaan iyo billowga sanadka dambe. – Radio Dalsan

Leave a Reply