Tigreyga Oo Ka Horyimid Baaqii Abiy Ahmed Ee Ahaa In 72 Saac Isu Soo Dhiibaan

 

24-11-2020

 

Hoggaamiyaha Maamulka Gobolka Tigreyga, Debretsion Gebremichael ayaa ka horyimid baaqii Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ee ahaa in 72 saacadood isu soo dhiibaan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Axadii 72 saac ah u qabtay inay isu soo dhiibaan Hoggaamiye-yaasha Gobolka Tigreyga. Ra’iisal Wasaaraha ayaa qoraal ku sheegay in hawlgalka uu galay wejigiiisii 3aad, uguna dambeysay ee diiradda lagu saarayo qabashada Xarunta Maamulka Tigreyga ee Mekelle. Mudada loo qabtay Masuuliyiinta Tigreyga ayaa ku eg Arbacada berrito.

Debretsion Gebremichael, Hoggaamiyaha Maamulka Tigreyga ayaa sheegay inaanay is dhiibi doonin, isla-markaana ay dagaalami doonaan, tan iyo marka u dambeysa.

Wuxuu sheegay in shacabka Tigreyga ay diyaar u yihiin in ay u dhintaan difaacidda xuquuqda ay u leeyihiin buu yiri inay iyaga deegaankoodu maamulaan.

Dhanka kale Debretsion Gebremichael ayaa markii ugu horeysay qiray in magaalooyin laga qabsaday, waxaana uu beeniyay warka Dowladda Federaalka ka soo yeeray ee sheegaya in ciidamadiisa ay guuldarro wajahayaan.

Dagaalka saddexda toddobaad ka socda Waqooyiga Itoobiya ayaa la sheegay inay ku dhinteen boqolaal qof, halka in ka badan toban kun oo kalana ay ku barakaceen. – Universal TV Somali

Leave a Reply