24-11-2020
Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dalka Itoobiya, kaas oo soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Wafdigan ayaa waxaa horkacayey La-taliyaha Amniga ee dalka Itoobiya Gedu Andargacho, iyada oo ay labada dhinac ka wada-hadleen arrimo dhowr ah, sida dagaalka Itoobiya.
Safiirka Xukuumadda Addis Ababa u fadhiyo Muqdisho, Amb. Jamaludiin ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday taageerada dowladda federaalka ee midnimada Itoobiya.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in labada dhinac ay is-weydaarsadeen waxyaabo kala duwan, sida howl-galka sharci fulinta ee ka socda Gobolka Tigreega.
Jamaludiin ayaa sidoo kale intaasi ku daray in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) uu muujiyey midnimo & taageero ku aadan howl-galka ka socda dalkaasi.
Soomaaliya iyo Itoobiya oo ah labo dal oo daris ah ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir iyo iskaashi dhinacyo kala duwan leh, kaas oo sii xoogeysanayeen sanadihii u dambeeyey. – Radio Shabelle