Xubno Katirsan Ciidanka Booliska Somaliland Oo Tababbar Loo Soo Xidhay

 

23/11/2020

 

Hargeysa (SOLNA) – Hogaanka Saadka iyo Lacagta ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Baaruud, ayaa tababbar u soo xidhay xubno katirsan Ciidanka Booliska Saldhigyada ee Maxamed Mooge iyo Ibraahin Koodbuur ee Magaalada Hargeysa.

Ugu horreyn waxa halkaas ka hadlay Kabtan Maxamed Yuusuf, oo ka warbixiyey duruustii kala duwanayd ee ay ku qaateen tababbarkaasi intii uu socday, kuwaas oo uu sheeshay in ay ugu muhiimsanaayeen Xuquuqda Aadamaha, Baadhitaanada Dambiyada iyo Xidhiidhka Bulshada, isaga oo u mahad-celiyey xubnihii ka qayb qaadanayey tababbarkaas oo uu xusay in ay muujiyeen Samir iyo Dulqaada, soona bandhigeen aqoon la xidhiidha shaqooyinka ay qaranka u hayaan.

Sidoo kale, waxa isna halkaas ka hadlay Hogaanka Saadka iyo Lacagta ee Ciidanka Booliska Gaashaanle Sare Maxamed Baaruud, oo sheegay in tababbarkii ugu wanaagsanaa ay qaateen Xubnahaas Ciidanka Booliska katirsan kaas oo ah Xuquuqul Insaanka, wuxuuna tilmaamay in marka la qorayo xubinta ciidanka ah la baro Xuquuqda Aadamaha, isaga oo kula dardaarmay xubnihii tababbarkaas qaatay in ay ku dabakhaan shaqooyinka iyo waajibaadka ay bulshada u hayaan, wuxuuna carabka ku adkeeyey in ay xubnahaasi nasiib u yeesheen tababbar ayna ciidanka intiisa kale helin.

Waxa kale, oo uu u mahad-celiyey Tailyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale), Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Hay’adda UNDP iyo hay’adaha kale ee ay wada shaqeynta leeyihiin.

Leave a Reply