Shir Caawa U Socdo Guddoonka Golaha Shacabka Iyo Musharixiinta

 

23-11-2020

 

Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdirahman iyo kuxigeenkiisa Cabdiwali Sheekh Ibrahim Mudey ayaa goor dhow ku biiray Shirka Wadatashiga Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2020 – 2021 ee maalintii sadexaad ka socda Muqdisho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ku xigeenkiisa iyo Musharixiinta Madaxweyne ayaa waxaa u socda shir gaar ah oo ay uga wada hadlayaan Arrimaha Doorashooyinka iyo Caqabadaha jira ee ku aadan Guddiyada Doorashooyinka.

Duhuradii maanta ayay aheyd markii uu shirka tegay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kamid ah Mas’uuliyiinta Guddiyada Doorashooyinka oo ay Magacaawday Dowladda Soomaaliya. – Hiiraan Weyn News

Leave a Reply