Daahir Maxamuud Geelle “Xafiisyada Dowladda Ha Joojiyaan Hurinta Colaada”

 

23-11-2020

 

Wasiirkii hore ee Wasaarrada Warfaafinta islamarkaana kamid ah Musharixiinta  Garabka Mucaaradka ee ku shirsan Magaalada Muqdisho Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Xafiisyada Dowladda laga hurinayo colaad laga abuurayo deegaannada dalka.

Wuxuu sheegay in shirkooda uusan aheyn oo kale mid la xiriira Arrimaha Doorashooyinka, laakiin ay ka wada hadlayaan sidoo kale Dimuquraadiyada, Amniga iyo Wadajirka dalka.

”Annaga ayaa rabna in doorashada nabadgalyo ku dhacdo, laakiin waxaan arkeynaa colaad iyo dab laga shidayo bulshada dhexdeeda, waan ka xunahay waxaa ay aheyd Amaanka iyo Doorashooyinka inay hormuud ka noqoto ayuu yiri” Musharax Daahir Geelle.

Daahir Geelle ayaa sheegay in shirkan sidoo kale qeyb ka yihiin Ururrada Bulshada, Culimada iyo waliba qaar kamid ah isla Mas’uuliyiinta Dowladda oo laftirkooda walaac ka qaba sida ay wax u socdaan.

Shirkan Musharixiinta Madaxweynaha oo maalintii saddexaad galay ayaa lagu wadaa in berri laga soo saaro War-murtiyeed la xiriira doorashada dalka iyo guud ahaan xaalada uu wadanku xilligan marayo. – HOL News

Leave a Reply