Shirweynaha Musharraxiinta Oo Galay Maalintii Labaad

 

22-11-2020

 

Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda Shirka Wada-tashiga ee u dhexeeya Musharraxiinta Mucaaradka ee ka qeyb-galaya doorashada soo socota 2020/21.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya Xasan Cali Kheyre, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Daahir Maxamuud Gelle, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cabdulqaadir Cosoble, Xuseen Cabdi Xalane, Mustaf Dhuxulow & Maxamed Siiriin.

Intiisa badan waxaa shirkan looga hadlayaa Doorashada 2020/21, gaar ahaan Dooda ka taagan Guddiyada Doorashooyinka oo ay walaac ka muujinayaan musharraxiintu.

Sidoo kale waxaa la filayaa in gaba-gabada shirka laga soo saaro Warmurtiyeed, sidoo kalena lagu dhiso gole ay ku mideysan yihiin dhammaan Musharraxiinta Mucaaradka.

Xigasho: Radio Shabelle

Leave a Reply