Qilaaf Kale Soo Kala Dhex Galay Madaxweyne Farmaajo Iyo …

 

22-11-2020

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Iyadoo uu horay u jiray qilaaf u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi, ayaa waxaa hada soo shaac-baxay qilaaf kale ee u dhexeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey oo ku dhinac ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Qilaafka cusub ee hada u dhexeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, ayaa ka dambeeyay shir ay seddexdooda ay isugu yimaadeen; kadibna ay isku afgaran waayeen Xildhibaanada uu Farmaajo kasoo xulay beelahooda iyo kuwa ay iyaga kasoo xuleen beelahooda.

Waxaa uu qilaafka cusub uu sababay in Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu usoo dhawaado Madaxweynehii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hada ka qeyb-gelayo Shirka Murashixiinta Mucaaradka ee Muqdisho.

Waxaa kale uu qilaafka cusub uu sababay in Madaxweyne Farmaajo uu isna Ra’iisul Wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble uu usii dirsado Magaalada Baydhabo, si uu usii adkaado xiriirka kala dhexeeyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen).

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh.

Leave a Reply