Guddiyada Doorashooyinka Oo Lagula Dardaarmay In Ay Si Daacad Ah U Gutaan Shaqooyinka Horyaalla

 

22-11-2020

 

Muqdisho – Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka ayaa kula dardaarmay shaqooyinka horyaalla in ay si daacada u gutaan.

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa tilmaamay in tababarkan uu fududeynayo in si cadaalad oo aqooni ku dheehan tahay Guddiga Doorashada u guto waajibaadkiisa shaqo, islamarkaana doorashada u dhacdo si xor iyo xalaal ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo dhowaan howl-geliyey Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal ee Maamulka iyo Khilaafaadka ayaa la wadaagay muhiimadda ay leedahay masuuliyaddan taariikhiga ah ee ay guddiyadan ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply