Shirka Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Oo Furmay

 

21-11-2020

 

Muqdisho – Waxaa Hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho, si rasmi ah uga furmay Shirweynaha Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee Doorashada Soomaaliya 2020/2021, kaasi oo socon doona muddo saddex maalmood ah.

Shirka oo socon doono muddo sadddex maalmood ah, waxaa diirada lagu saaraa xaaladda siyaasadeed ee xiligan dalku marayo, Arrimaha Doorashada ka dhaceysa dhammaadka sanadkan 2020 iyo horaanta sanadka 2021 iyo sidii Muhsraxaiinta u sameeyn lahaayeen Is-baheysi mid ah.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Musharaxiinta kala ah Madaxweynehii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynehii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Hogaamiyaha Xisbiga Dan Qaran Daahir Maxamuud Geelle, Hogaamiyaha Xisbiga Ileys Cabduqaadir Cosoble Cali, Madaxweynehii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sh Aadan iyo Musharaxiin kale.

Xalay waxaa Magaalada Muqdisho kulamo gooni gooni ah ku yeeshay Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, iyo Musharaxiin kale ee u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ay ka hadleen sidii looga arrinsan lahaa shirka maanta u furmay Musharaxiinta.

Xigasho: Shaaciye News

Leave a Reply