Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Safar Ugu Ambabaxaya Baydhabo

 

21-11-2020

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalinta berri ku sii jeeda Magaalada Baydhabo Xarunta KMG u ah Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Safarkan ayaa noqonaya kii u horreeyay uu Ra’iisul Wasaaraha ugu ambabaxo gudaha dalka, tan iyo markii bishii Sebtember loo magacaabay xilka.

Ujeedka safarkiisa ayaa la xiriira Arrimaha Doorashooyinka, inkastoo muran weyn uu ka taagan yahay dhismaha Guddiyada Doorashooyinka ee Xukuumadda magacawday, kaasoo ay ka soo horjeesteen Musharaxiinta Mucaaradka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa safaro kale ku tagaya Magaalooyinka Maamul Goboleedyada, si loo dardar geliyo doorashada, balse Mucaaradka ayaa ka biya diidan kuna eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha in aanu dhex dhexaad aheyn oo uu ku milan yahay Ololaha Madaxweyne Farmaajo. – Hiiraan Weyn

Leave a Reply