Qalbi-Dhagax Oo Sheegay In Xarigiisii 1-Aad Uu Ka Dambeyay Madaxweyne Farmaajo

 

21-11-2020

 

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ah Sarkaal katirsan Ururka ONLF ayaa ka hadlay cidii ka dambeeysay dhiibistiisii Itoobiya iyo xarig loo geystay oo uu in muddo ah ku xirnaa xabsi ku yaalla Magaalada Addis Ababa.

Qalbi-dhagax ayaa sheegay in mas’uuliyadda koowaad xarigiisa uu geystay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah Madaxweynaha Shacabka Soomaaliyeed, halka intii kale ee qeybta ka aheyd ay ahaayeen kuwo digreeto Madaxweyne lagu magacaabay.

Cabdikariin Qalbi-dhagax ayaa sheegay inay fiicnaan laheyd in Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, wixii uu ku leeyahay iyo qeybtii uu ku lahaa dhiibidiisa inuu u sheego Shacabka Soomaaliyeed.

“Dambi kasta oo dhacay qeybta koowaad ama mas’uuliyadda koowaad waxaa is ka leh Madaxweynaha ummaddaan dooratay, dadka intiisa kale digreeto Madaxweyne lagu soo magacaabayay oo Baarlamaanka lagu geynayay, Mas’uuliyadda koowaad waxay fuuleysa oo lagala xisaabtami oo is ka leh Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo”ayuu yiri Cabdikariin Qalbi-dhagax.

Dhiibistii Qalbi-dhagax oo sababtay qalalaase siyaasadeed, kadib markii Golihii Wasriirada RW Kheyre ay sheegeen in dhiibistiisu ahayd mid sharci ah oo waafaqsan heshiisyo dhexmaray labada dowladood (Soomaaliya iyo Itoobiya), iyagoona ku eedeeyay in uu xariir la lahaa Al-shabaab.

Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ahaa sarkaal katirsan ONLF oo bishii Agoosto ee sanadkii 2017-kii Dowladda Federaalka Soomaaliya u gacan galisay Itoobiya, isagoo in muddo xirnaa. Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply