Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Hoygiisa Ku Qaabiley Shariif Xasan

 

20-11-2020

 

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa hoygiisa ku qaabilay Gudoomiyaha Xisbiga Horu-socod Qaran Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Labada masuul ayaa kulankooda waxaa ay isla soo qaadeen qaadeen xaaldaha guud ee dalka iyo Arimaha Doorashooyinka Cakiran ee la filaayo in ay dalka ka dhacaan dhawaan.

Kulanka ayaan si dhab ah lo ogeyn waxa kasoo baxay walow labaduba aysan wax xiriir ah la laheyn Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Si kastaba arintu ha ahaatee Ololaha Doorashada Soomaaliya ayaa si aad ah looga dareemayaa Magaalada Muqdisho, iyadoo Murashaxiintu tiradoodu ay sii kordheyso maalinba maalinta ka dambeysa.

Xigasho: Daafeet News

Leave a Reply