Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Tabobar Usoo Xidhay 27 Xubnood Oo Ka Socday Degmooyinka Uu Ka Shaqeeyo Mashruuca JPLG

 

20/11/2020

 

Hargeysa (SOLNA) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Cabdi Nuur (Axmed Guray) ayaa tabobar usoo gebo gebeeyey 27 xubnood oo ka kala socday degmooyinka uu ka shaqeeyo mashruuca JPLG-gu.

Xubnahan tabobarka ka faa’iidaysanaayey ayaa laga soo kala xulay Goboladda Maroodijeex, Togdheer, Saraar, Sanaag, Saaxil, Awdal, Daad-Madheedh, Gebiley, Selel iyo Degmada Sheekh, iyada oo u jeedada kulankani ahaa kor u qaadista nidaamka maaliyadda, waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay saraakiil ka kala socday Hay’adda UN Habitat, Hay’adda UNDP iyo Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland, iyaga oo ka waramay tabobarkan iyo faa’iidada uu u lahaa kasoo qayb galeyaasha.

Masuuliyiintan ka socday Hay’addaha Caalamiga ah iyo Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland ayaa sheegay in ay tabobarkan ku qaateen kasoo qayb galeyaashu casharo ku saabsan dib u habaynta nidaamka maaliyadeed, kaas oo la casriyeyn doono.

Dhinaciisa waxa isna halkaas ka hadlay xubin ku hadlaayey afka kasoo qayb galeyaasha tabobarkan, isaga oo ka warbixiyey waxyaalihii ay barteen mudadii uu tabobarkani socday.

Gebo gebadii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Cabdi Nuur (Axmed Guray) oo halkaas ka hadlay ayaa kasoo qayb galeyaashii tabobarkan kula dardaarmay in ay uga faa’iideeyaan ummada aqoontii ay barteen.

Leave a Reply