Qarax Ay Shan Qof Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Muqdisho

 

17-11-2020

 


Muqdisho

 

MUQDISHO – Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay, siddeed kalena way ku dhaawacmeen kadib markii qof ismiidaamiye ah uu isku qarxiyey maqaayad u dhow akadamiyada ciidnaka Booliiska Jeneraal Kaahoye ee degmaa Xamar Jajab, sidaasi waxaa sheegay booliiska

Af-hayenka booliiska Sadiiq Aadan Cali ayaa saxaafadda u sheegay in qaraxu uu ka dhacay maqaaxi ay dad shacab ah fadhiistaan oo u dhow dugsiga booliiska Jeneraal Kaahiye.

Afhayeenku waxa uu intaas ku daray inay dhinteen shan qof oo ay ku jiraan rayid. Waxaa sidoo kale meesha ku dhintay qofkii ismiidaamiyaha ahaa.

Af-hayeenka booliiska ayaa sheegay inuu socdo baadhitaan ku saabsan qofka is qarxiyey iyo sida ay wax u dhaceen.

Af-hayenka booliiska Sadiiq Aadan Cali ayaa qaraxan uga warramay weriyahayaga Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

DHAGEYSO Qarax ay shan qof ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho

– VOA Somali

Leave a Reply