Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Soo Gebogabeeyey Shirka Tignoolajiyadda Qaranka Oo Hargeysa Ka Socday

 

17/11/2020

 

Hargeysa (SOLNA) – Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa soo gebo gebeeyay Shirka Tegnoolajiyadda Qaranka oo muddo laba maalmood ah ka socday Magaaladda Hargeysa.

Shirkan waxa ka soo qayb galay Wasiirrada Wasaaradaha Isgaadhiinta iyo Maalgashiga, Agaasimayaal Guud, xubno ka socday Qunsuliyada Taywan ee Somaliland iyo xubno ka socday Shirkadaha Isgaadhsiinta ee dalka, ugu horeyn waxaa munaasibadaas hadal ka jeediyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tegnoolajiyada Somaliland oo sheegay in shirkani yahay sanadkii labaad ee la qabto, iyada oo u jeedadu tahay sidii loo kobcin lahaa Tignoolajiyadda dalka.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyada ee Somaliland C/weli Sheekh C/laahi Suufi, ayaa shirka kaga dhawaaqay 14-qodob oo ka soo baxay shirka, iyada oo waxyaabaha ugu muhiimsan ay ka mid ahaayeen in muddo sagaashan cisho ah, kadib wasaaraddu qaban doonto Tartanka Soofti-weerada Somaliland oo ay ka soo qayb geli doonaan dayarta Hal Abuurka Tignoolajiyada leh iyo shirkadaha koraya ee Tegnoolajiyada Somaliland, waxa kale oo qodobada shirka uu wasiirku ka akhriyay kamid ahaa in siyaasad loo sameeyo qayb sanaanta ay keentay Tegnoolajiyadu iyo Deegaamaynta Aqoonta Tegnoolajiyada.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Madaxweyne kuxigeenka Somaliland oo shirkaasi soo xidhay ayaa ka waramay Deegaamaynta Tegnoolajiyada iyo baahida loo qabo in guud ahaan Somaliland la gaadhsiiyo Tegnoolajiyada, si Somaliland qayb uga noqoto Horumarka Isgaadhsiinta iyo Tegnoolakiyada ee Caalamka ka jirta.

Leave a Reply