Howl-Gallo Dad Lagu Soo Qab-Qabtay Oo Laga Sameeyey Beledweyne

 

17-11-2020

 

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay, illaa saakay Ciidamada Ammaanka ay howl-gallo ka sameeyeen Magaalada Beledweyne ee gobolkaasi.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa yimid, kadib markii xalay Beledweyne lagu dilay Guddoomiye Kuxigeenkii Xaafada Buundweyn ee degmadaasi Kuukay Dheere.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa in howl-galladooda ay ku soo qab-qabteen tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen dilkaasi.

Sidoo kale qaar ka mid ah Saraakiisha Ammaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay dib ka faah-faahin doonaan natiijada howl-galladaasi laga sameeyey Beledweyne.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaaladaasi oo ku taalla bartamaha dalka ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan. – Radio Shabelle

Leave a Reply