Hoggaamiyeyaasha Afrika Oo Wada Dadaallo Lagu Joojinaayo Xiisadda Itoobiya

 

17-11-2020

 

Madaxda Qaaradda Afrika ayaa waxaa ay isku dayayaan sidii xal loogu heli lahaa xiisadda colaadeed ee ka taagan Gobolka Tigray dalka Itoobiya iyo sidii dowladda loogu qancin lahaa in ay wadahadal ku badesho dagaalka.

Madaxweynaha Wadanka Uganda Yoweri Museveni ayaa siyaabo kala duwan ula kulamay Madaxweynihii Hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya Demeke Mekonnen.

Madaxweynaha Wadanka Kenya ayaa dhankiisa ku biiriyey baaqa ku aadan sidii xal loogu heli lahaa dagaalka ka socda Gobolka Tigray, kaas oo sababay barakac badan oo reer Itoobiyaha oo ka baxay dagaalka gobolkaasi.

Dowladda Itoobiya oo uu hoggaamiye Ra’iisalwasaare Abiy Axmed ayaa waxaa ay ku adkaysanaysaa in howlgalladu ay sii socon doonaan, waxaana wararku sheegayaan in Abiy Axmed uu ku gacan seeray baaqa hoggaamiyayaasha.

Dagaalka ka socda Gobolka Tigray ee u dhaxeeyo Dowladda Dhexe iyo Maamulka Gobolka ee TPLF, ayaa weli sii soconaya waxaana ilaa iyo hadda gobolka ka qaxay dadka badan 80 000 oo qoxooti ah oo gaaray Sudan iyo Jabuuti. – Shaaciye News

Leave a Reply