Dad Badan Oo Loo Soo Qabtay Qoyskii Lagu Dilay Duleedka Warsheekh

 

17-11-2020

 

Ciidanka Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kuwa Degmada Warsheekh ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo baallaaran waxaa ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo hoostega degmadaas.

Ciidanka amniga ayaa howlgalka ka sameeyay deegaanada kala ah Maxaay, Taag-dheere, Cagaarey, Haabaay, iyo tuulooyin kale ku teedsan Xalluule, isla markaana waxaa lagu qabtay dad badan oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin weerarkii dhawaan dadka lagu laayay ee ka dhacay Deegaanka Xalluule.

Ilo-wareedyo katirsan Mamaulka Degmada oo si hoose ula hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in howlgalka lagu qabtay 21 qof oo haatan Laamaha Amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe ay ku wadaan baaritaano kala duwan oo lagu kala saarayo dadkaas.

Sidoo kale waxaa la tilmaamay in weli uu socdo howlgal kale oo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay weerarkii lagu dilay Hooyo iyo Laba Caruur ah oo dhashay, halka laba qof kalena lagu dhaawacay,

kadib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Marakaan, Guddoomiyaha Degmada Warsheekh Xasan Darajey iyo Saraakiil Ciidan ayaa ku sugan Deegaanka Xalluule oo ah halkii lagu laayay dadkii isku qoyska ahaa.

Mas’uuliyiinta ayaa kulan gaar ah la qaatay qoyskii dadka la dilay, iyagoona uga tacsiyeeyay dadkii geeriyooday, halka kuwa dhaawacmayna ay Alle uga baryeen inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

Weerarkii dadka lagu laayay ayaa waxaa uu ahaa mid ay geysteen rag hubeysan oo maleeshiyaad ah, isla markaana waxaa uu falkaas la xiriiray aano qabiil oo in muddo ah ka taagneyd Deegaanka Xalluule oo hoostega Degmada Warsheekh. – Radio Dalsan

Leave a Reply