Cabduqaadir Siidii Oo Mar Kale Loo Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose

 

17-11-2020

 

Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax, iyada oo guddoomiye cusub uu u magacaabay Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa loogu magacaabay Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii oo mar soo noqday Guddoomiyaha Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Sababaha xilka qaadista Guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa waxaa lagu soo koobay kaliya soo jeedin ka timid Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed.

Cabdulqaadir Siidi ayaan aheyn qof ku cusub Maamulka Goblka Shabelaha Hoose waxaana uu dhowr jeer noqdey gudoomiyaha gobolka, isagoo hadana mar kale dib loogu soo celiyey, tani ayaa cadeyneysa in siyaasada maamulka Koonfur Galbeed inta badanba lagu arkin weji cusub. – Daafeet News

Leave a Reply