Wasiir Cawad ”Kenya Waa Dalka Noogu Muhiimsan Dalalka Deriska”

 

16-11-2020

 

Nairobi – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa Kenya ku tilmaamay in ay tahay dalka ugu muhiimsan dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dalalka deriska la ah Soomaaliya ay ugu muhiisan Dowladda Kenya, xilli weli aan xal laga gaarin khilaafka diplumaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dowladood.

Wasiir Cawada waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Dowladda Soomaaliya ay mar waliba qaadato siyaasad isku soo dhaweyn ah si loo mideeyo Wadamada Geeska Afrika gaar ahaan kuwa saameynta ku leh Soomaaliya.

“Mar walba Soomaaliya waxaa ay qaadataa go’aamo isku soo dhaweyn ah oo muhiim u ah dalalka Geeska Afrika si loo fududeeyo isku socodka ganacsiga iyo is dhexgalka bulshooyinka ayuu yiri” Wasiir Cawad.

Hadalkan oo uu Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ka sheegay Furitaankii Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli uu jiro khilaafka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dowladood. – Shaaciye News

Leave a Reply