Guddoomiye Kuxigeen Caawa Lagu Dilay Magaalada Baledweyne

 

16-11-2020

 

Dabley hubeeysan ayaa Caawa Xaafada Bundaweyn ee Magaalada Baledweyne waxay ku dileen Allaha u naxariiste Guddoomiye Kuxigeenkii Xaafada Bundaweyne Cabdi Muxumed oo loo yaqiinay Kuukaay Dheere.

Kooxahii dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobta, waxaana saacado kadib goobtii Marxuumka lagu dilay gaaray ciidamo katirsan kuwa Militiriga Soomaaliya kuwaas oo baaritaano ka bilaabay xaafada lagu dilay Marxuumka .

Guddoomiye kuxigeenka caawa lagu dilay Xaafada Bundaweyn Cabdi Muxumed  (Kuukaay Dheere) ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo caan ka ahaa Magaalada Baledweyne gaar ahaan Xaafada Bundaweyn.

Lama oga cida ka dambeysay Dilka Guddoomiye Kuxigeenkii Xaafada Bundaweyn Allaha u naxariiste Marxuum Kuukaay Dheere. – Hiran Online News

 

Leave a Reply