Howlgallo Culus Oo Ka Socda Magaalada Boosaaso

 

15-11-2020

 

Boosaaso – Howlgalkan oo uu hoggaaminaayey Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Ciidamada Booliska ee Gobalka Bari waxaa ay ka sameyeen Buuraha u dhexeeya Magaalada Bosaaso illaa Degmada Carmo ee Gobalka Bari, howlgalkan oo ahaa mid qorshaysan ayaa Ciidamada Boolisku waxaa ay baaritaano ku sameeyeen Gadiidka soo gala Magaalada Bosaaso iyo kuwa ka baxaya.

Howlgalkaan oo ay sameeyeen Ciidamada Booliska Gobolka Bari ayaa ujeedkiisu waxaa uu ahaa sugida iyo xoojinta amniga guud gobolka xilli dhawaan Magaalada Boosaaso lagu qabanaayo Doorashada Xildhibaanadda Cusub ee Dowladda Dhaexe ee Soomaaliya.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Gaashaanle Sare Xuuseen Cali Maxamuud ayaa shacabka ka codsaday inay doorkooda ka qataan xaqiijinta amaanka, isagoona u mahadceliyey sido kale Shacabka Gobolka Bari, howlgalkaana ku tilmamaay mid guul ah oo ay uga mahadcelinayaan Ciidamada Booliska. – Radio Risaala

Leave a Reply