Hay’adda Sirdoonka Qaranka Itoobiya Oo Sheegtey Inay Qabatey Rag Katirsan Alshabab Iyo Daacish

 

15-11-2020

 

Hay’adda Sirdoonka Qaranka Itoobiya ee JDFI ayaa sheegtay in howlgallo ay sameeyeen ay suurtagashay inay gacanta ku dhigaan 12 Xibnood oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Urrurada Al-Shabaab & Daacish ee ka dalgaalama Soomaaliya.

War kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka Itoobiya ee NISS ayaa waxaa lagu sheegay in muddo ay baadi-goob ku hayen raggaan ay qabteen, isla markaana qabashadooda ay gacan weyn ka siiyeen dadka Shacabka ah.

Ragga la qabtay oo lagu eedeeyay inay katirsan yihiin Al-Shabaab & Daacish oo sawiradooda la soo bandhigay ayaa waxaa Hay’adda Sirdoonka Qaranka Itoobiya ee JDFI ay Magacyadooda ku kala sheegtay kuwa hoos ku qoran.

1. Fu’ad Shaafi Khadiir

2. Iimaan Asafa (Faaruuq Ismaaciil)

3. Abdijabar Abdalla Ibraahim

4. Siciid Mustafa Ibraahim

5. Mascuud Gabayaahu

6. Tafare Tashome (Idiris)

7. Abdirahman Adan Abubakar

8. Mukhtaar Gaab

9. Jaamac Diiriye Abdi

10. Sh Ahmed Nuur Maxamed Osmaan

11. Abdul Abdi Jamal

12. Cumar Ridwaan muhaadi

Xigasho: Daafeet News

Leave a Reply