Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Degmadda Xariirad

 

14/11/2020

 

SAYLAC (SOLNA) – Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hogaaminayo oo maalmahi u dambeeyay ku sugnaa Gobolada Galbeedka Somaliland ayaa gaadhay Degmada Xariirad oo katirsan Gobolka Selel.

Wefitiga uu hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga ee gaadhay Magaalada Xariirad ayaa ujeedadiisu ahayd u kuur galidda xaaladda bulshada iyo deegaankaasi ay ku sugan yihiin.

Odayaasha iyo Bulshada ku dhaqan Degmada Xariirad ayaa wasiirka uga xog waramay baahiyaha halkaasi ka jira kuwa ugu muhiimsan.

Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Bulshada Degmada Xariirad u sheegay inay ugu yimaadeen si ay u qiimeeyaan baahida degmada ka jirta si wax looga qabto.

Leave a Reply