Waa Sidee Nolosha Deegaanka Buurane?

 

14-11-2020

 

JOWHAR – Dagaallada u dhexeeya Ciidamada Dowladda iyo Kooxda Al-Shabaab ayaa sabab u noqday in deegaano hore u camirnaa ay maanta isu badalaan kuwa laga guuray oo haawanaya, dadkii degaanaana ay deegaano kale nolol u raadsadeen.

Deegaanka Buurane oo ah deegaan caan ah oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Dhexe, islamarkaana 23km dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Jowhar ayaa kamid ah deegaannada ay colaaduhu saameeyeen.

Wariyaha VOA Xuseen Xassan Dhaqane oo tagay Deegaanka Buurane ayaa warbixintan ku eegaya sida ay nolosha magaaladu u cammirnaan jirtay iyo sida ay haatan tahay.

DHAGEYSO Waa sidee nolosha deegaanka Buurane?

– VOA Somali

Leave a Reply