Laamaha Ammaanka Gobolka Bari Oo Baaraya Koox Dil Ka Geysatay Boosaaso

 

14-11-2020

 

Ciidamada ammaanka & waaxda dabagalka dambiyada ayaa Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari ka bilaabay baarista kiis dacweed la xiriira labo ruux oo dhalinyaro oo xalay lagu dilay magaaladaas.

“Labo wiil oo dhalinyaro ah ayaa lagu dilay Mindi, kadib markii ay isku dhaceen dhalinyarada labo xaafadood oo katirsan Magaalada Boosaaso, waa ay baxsadeen balse baaris ayaa socota” Sidaasi waxaa Mustaqbal u sheegay qof kamid ah dadka Magaalada Boosaaso.

Laamaha ammaanka ayaa dhankooda xiray shaqsiyaad wax ka ogaa isku dhaca, si markale uusan u dhicin weerar kale oo dadka deegaanku ay sheegeen in ay cabsi ka qabaan isku dhac kale.

Maamulka Gobolka Bari ayaa ciidamada ammaanka faray in ay kala dhexgalaan dhalinyaradaan dagaalka dhexmaray ee isu adeegsatay tooreyda, si loo dabagalo fal dambiyeedka dilka ah ee dhacay.

Ehelka labada ruux ee Mindida lagu dilay ayay la kulmeen saraakiisha ammaanka Degmada Boosaaso, waxaana maanta lagu wadaa in Saldhigga Booliiska la isugu geeyo shaqsiyaadka lagu qabtay howlgalka.

Xigasho: Hiiraan Weyn

Leave a Reply