Bankiyada Sweden Oo Xiray Xisaabaad Ay Lahaayen Xawaaladaha Soomaalida

 

14/11/2020

 

Sawir: AP Photo/Alex Brandon

 

Warbixin ay soo saareen Bankiyada Wadanka Sweden ayaa lagu sheegay in la xiray xisaabaad ay bankiyadaasi ku lahaayen dhawr xawaaladood oo Soomaalida ay leeyihiin.

Sababaha ugu waaweyn ee xisaabaadkan loo xiray ayaa waxaa lagu sheegay, iyadoo Maamulada Bankiyada aanay kontorooli karin amaba la socon karin lacagaha, laga bilaabo qofka diraaya illaa qofka qaadanaya iyo xagga dabagalka ee mustaqbalka.

Tani ayaa waxay saameynaysaa qiyaastii toddobaatan kun (70,000) oo qof oo Soomaali ah oo degan dalkaasi, kuwaa oo ay ku adkaan doonto inay lacago u diraan qoysaska, ehelada iyo asxaabtooda ku nool Somaliya.

Maamulada Xawaaladaha Soomaalida ee dalkaasi ayaa wada qorshe ay cabashadooda ugu gudbinayaan Dowladda Sweden, si wax looga qabto culeyska ka soo fuulay bankiyada dalkaasi.

– Universal TV Somali

Leave a Reply