Wafdi Ka Socda Dalka Jabuuti Ayaa Gaaray Dalka Somaliland

 

12/11/2020

 

Waxaa lagu soo waramayaa Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Beeraha, Xoolaha iyo Kaluumeysiga ee Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamed Axmed Cawaale uu kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ee Magaalada Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, waxaana waftigaasi soo dhaweeyay Xilhayeeno katirsan Dowladda Somaliland oo ay kamid yihiin Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Axmed Muumin Seed iyo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Maxamed Muuse Diiriye.

Warka waxaa uu ku darayaa in Wafdiga Dalka Jabuuti ee maanta soo gaaray Dalka Somaliland ay ku jiraan Wasiir Ku-xigeeno katrisan Dowladda Jabuuti, ee Jamhuuriyadda Jabuuti

Dalka Jabuuti ayaa Jamhuuriyadd noqday 27-dii Juunyo, gugii 1977-dii, kadib markii uu diiday inuu la midoobo Jamhuuriyadda Soomaaliya oo markaasi uu xooga ku haaystay Taliskii Kelitaliska Ahaa ee hogaaminayay Kelitaliye Jeneraal Maxamed Siyaad Barre isla markaana xooga ku qabsaday Talada Dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya taariikhda markey aheyd 21-dii Oktoobar, gugii 1969-kii.

 

Sidoo kale, Dalka Somaliland ayaa isna Jamhuuriyadd noqday taariikhda marki ay aheyd 18-dii Maajo, gugii 1991-dii, kadib markii uu ka baxay Midowgii 1-da Luuliyo ee gugii 1960-kii.

 

 

 

Isha: Bogagga Soomaalida

Leave a Reply