Qarax Lala Eegtay Guddoomiyaha Degmada Hodan Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

 

12-11-2020

 

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax fiidnimadii caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho kaa oo lala eegtay Guddoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhagajuun.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxan ay ku dhinteen qaar kamid ah ilaalada guddoomiyaha halka sidoo kalana uu dhaawac soo gaaray isla guddoomiyaha degmada Hodan oo gaariga la bartilmaameedsaday la socday.

Ciidamo katirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay iyaga oo halkaa ka bilaabay baaritaanno la xiriira qaraxa iyo cidda ka danbeeysay.

Magaalada Muqdisho maalmihii ugu danbeeyay waxaa ku soo kordhayay weerarrada miino ee lagu bartilmaameesado mas’uuliyiinta katirsan dowladda, kuwaa oo qaarkood ka badbaaday qaraxyo lala eegtay gaadiid ay la socdeen.

HOL News

Leave a Reply