Guddomiyaha Arimaha Bulshada Ee Barlamaanka Soomaaliya Oo Lagu Soo Dhoweeyay Istanbuul

 

12-11-2020

 

Istanbuul (SONNA) – Munaasabad lagu soo dhawaynaayey Guddomiyaha Arimaha Bulshada ee Barlamaanka Soomaaliya Ali Osman Hersi ( Ali Jowhar) ayaa lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Munabaadasi ayaa waxaa kasoo qeyb galay Gudomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi Mudane sheikh Mohamed Mahamud, Guddomiyaha Ganacsatada Mudane Abdicziiz Caqil Hassan, odoyaasha dhaqanka, dhallinyaro iyo masuuliyiin kale.

Munaasabadasi ayaa waxa ka hadlay qaar kamid ah masuuliyiinta, waxayna bogaadiyeen xildhibaan Ali jowhar howsha wanagsan uu u haayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxa ayna umujiyeen dhirigelin iyo bogaadin.

Ugu dambeyntii waxaa Munaasabadasi hadal kooban ka jeediyay Xildhibaan Ali Jowhar waxa uuna ugu mahad celinayay soo dhaweynta loo samayay waxa uuna kula dardaarmay Dhalinyarada Soomaaliyeed in ay waxbartaan ayna dalkooda iyo dadkooda wax u qabtaan.

Leave a Reply