Rooble Oo Kulan La Qaatay Diblomaasiyiinta Midowga Yurub

 

11-11-2020

 

Muqdisho – Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Xukuumadda iyo Midowga Yurub.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Diblomaasiyiinta Reer Yurub, ee fadhigoodu yahay Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray Arrimaha Doorashooyinka Dalka, Dib-u-habeynta Dhaqan Dhaqaale iyo Is Bedelada Siyaasadeed.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku iftiimiyay qodobadii ugu waaweyn ee kulankaasi looga hadlay.

“Waxaan guddoomiyay wadahadal heer sare ah oo Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay leeyihiin, waxa uuna ku saabsanaa arrimaha wadaagga labada dhinac ee loola jeedo in lagu sii xoojiyo iskaashiga socda ee doorashooyinka soo socda, dib-u-habeynta dhaqan dhaqaale iyo is bedelka siyaasadeed ee ku saleysan ruuxda hindisaha horumarineed, ee ay leeyihiin Soomaalida iyo kuwa ay hoggaamiso Soomaalida.” Ayuu yiri Rooble.

Kulankan ayaa ku soo aadaya, xilli inta badan Musharaxiinta u taagan Jegada Madaxtinimada ee Dalka, ay si weyn uga horyimaadeen Guddiyada Doorashooyinka.

Xigasho: Universal TV Somali

Leave a Reply