Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Guriga Wasiir Katirsan Jubaland

 

11-11-2020

 

Kismaayo – Inta la xaqiijiyey seddax askari ayaa ku geeriyootay qarax caawa ka dhacay gudaha guri uu Kismaayo, kaana deganyahay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska Dowlad Goboleedka Jubaland Caydiid Sulaymaan Xaashi.

Wasiirka ayaa ka badbaaday qaraxa, balse waxaa lagu dilay seddax kamid ah ilaaladiisii, halka ugu yaraan laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiil katirsan Maamulka Jubbaland ayaa noo sheegay in qaraxaas uu ahaa mid guriga wasiirka lagu sii diyaariyey.

Guriga la qarxiyey ee wasiirka ayaa ku yaalla Xaafadda Siinaay ee Magaalada Kismaayo, gaar ahaan aagga loo yaqaano Labasuulle.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply