Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo Xilkii U Kala Wareejiyey Laba Agaasime Waaxeed Oo Wasaaraddaas Ah

 

11/11/2020

 

Hargeysa (SOLNA) – Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa xilkii u kala wareejiyey agaasimaha waaxda caafimaadka iyo agaasimihii hore ee waaxdaas ee wasaaraddaasi.

Xaflada xilwareejinta oo ka qabsoontay xarunta wasaaradda caafimaadka waxa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaraddaas iyo waaxdaas kana waramay sida ay u shaqeyso waaxdaasi, agaasimihii hore ee waaxdaas oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in waaxdaasi tahay waaxda ugu ballaadhan wasaaradda caafimaadka uguna hawl qabadka badan intii uu joogayna uu aqoon badan ka korodhsaday, sida oo kale agaasimaha xilka la wareegay ayaa xusay in hawl-wadeenada ka hawlgala waaxdaasi ay yihiin dad aqoon wanaagsan u leh shaqada ay gacanta ku hayaan, isaga oo ka rajeeyey in ay halkaas ka sii qaadi doonaan hawsha ay ummada mas’uulka uga yihiin.

Geesta kale, agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo xilwareejintaas ka hadlay ayaa sheegay in agaasimihii hore ee waaxda caafimaadku ahaa shakhsi in badan ka soo shaqeynayey caafimaadka aqoon durugsana u lahaa shaqada, isaga oo u rajeeyey agaasimaha cusub ee waaxdaas loo magacaabay inuu illaahay mas’uuliyadaas uu qabtay u fududeeyo, wuxuuna agaasimaha guud ee caafimaadku xusay in waaxdaasi tahay waaxda ugu muhiimsan wasaaradda, isla markaana qabata hawlaha ugu badan.

Leave a Reply