Faah-faahin: Qarax Miino Oo Duulleedka Dhuusa-Mareeb Lagula Eegtay Askar Katirsan Ciidamada Dowladda

 

10-11-2020

 

Dhuusa-Mareeb – Inta la xaqiijinayo Labo Askari oo katirsan Ciidamada Dowladda ayaa ku dhintay weerar miino loo adeegsaday oo ka dhacay Dulleedka Degmada Dhuusa-Mareeb ee Gobolka Galguduud.

Sidoo kale qaraxan oo ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Sinno-dhaqo ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa sagaal askari oo la socday gaariga la bartilmaameedsaday oo ahaa nooca dagaalka.

Askarta dhaawacu soo gaaray ayaa la geeyay goobo caafimaad oo ku yaala Degmada Dhuusa-Mareeb, halkaa oo lagu dabiibayo.

Ma jiro wax war ah oo weerarkan miinada loo adeegsaday ay ka soo saareen saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka intaba.

– Hiran Online News

Leave a Reply