Faahfaahino Kasoo Baxaya Dagaal Culus Oo Dhexmaray Ciidamada Kenya Iyo Al-shabaab

 

09-11-2020

 

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dhaqdhaqaaqa Al-shabaab weerar ku qaadeen fariismo ay ciidamada kenya ku leeyihiin deegaanada Qooqaani iyo Taabta oo katirsan Gobolka Jubbada Hoose waxaana halkaasi ku dhexmaray dagaal culus oo qasaaro kala duwan geystay.

Al-shabaab ayaa sheegatay iney guulo ka gaareen weerarkaas oo ay qasaaro kala duwan gaarsiyeen ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale saraakiil katirsan ciidamada maamulka Jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa dhankoodana sheegtay iney guulo ka gaareen dagaalkaasi oo ay iska difaaceen weerarka Al-shabaab kusoo qaadeen.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Sarakiisha Ciidamada Kenya ee katirsan howlgalka ciidamada AMISOM. – HOL News

Leave a Reply