Trump Oo Dib Ugu Laabtay Aqalka Cad, Kadib Guul-darradii Kasoo Gaartay Doorashada

 

08/11/2020

 

Madaxweyne Trump ayaa xalay dib ugu soo laabtay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka kaddib saacado uu ku maqnaa goob lagu cayaaro ciyaarta golf-ka.

Trump ayaa dhismaha Aqalka Cad qaab qarsoodi ahaan ah ka soo galay albaab dhinac ku yaal, isaga oo niyad jab weyn ay ka muuqato isla markaana madaxa hoos u raaricinaya.

Kolonyada baabuurtii uu la socday ayaa waxaa ku buuqay oo fowdeeyay dad shacab ah oo u dabbaaldegayay guuldarradii uu kala kulmay doorashada.

Inkastoo Trump la filayayay in uusan xalay wax hadal ah jeedin, haddana kooxda u xilsaaran ololihiisa doorashada ayaa Biden ku eedeeyay in uu ka been sheegay guusha uu tirsanayo.

Kooxda Trump ayaa maalmihii la soo dhaafay ku andacoonayay in doorashadu ay hareysay khaladaad badan balse marnaba ma aysan soo bandhigin wax caddeyn ah.

Inta badan Xubnaha Sarsare ee Xisbigiisa Jamhuuriga ka gaabsaday in ay ka hadlaan guuldarrada Trump balse Mitt Romney oo katirsan Aqalka Sare ee dalkaasi ayaa markiiba u hambalyeeyay Biden.

Madaxweyne Trump ayaa mar sii horreysay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in isagu uu yahay musharraxa ku guuleystay doorashada. – Calanka News

Leave a Reply